Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoo ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir – ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana isaga iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaareen  5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa waddada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km.

Madaxweynaha Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan la qaatay waxgaradka magaalada Carmo, waxaana ay uga xog warameen xaaladda amni iyo horumarba ee magaalada, isagoo ku booriyey waxgaradkaasi inay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka magaalada, isla mar’ahaantaana ay ku dedaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xasiloonida iyo kala danbaynta dhammaan degaanada hoosyimaada magaaladaasi.

Mudane Cabdiweli Gaas iyo weftiga u hogaaminayey ayaa markii ay soo gaareen degmada Qardho waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliska qaybta gobolka, Nabadoono, Waxgarad, Siyasiyiin iyo Qaar kamid ah shacabka magaalada Qardho.

Dhinaca kale, Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay cisbitaalka weyn ee Degmada Qardho, kaas oo dib loo casriyan doono loona balaarin doono qayb ka mid ah cisbitaalka oo la dhisay sanaddii 1960-kii, waxaana uu Mudane Gaas Xusay in dhanka caafimaadka uu gobolka aad uga wanaagsan yahay hadana loo baahan yahay in markasta kor looqaado, lagana sii wanaajiyo meesha uu hadda joogo.

“Sharaf-weyn bay ii tahay inaanu dhagax dhigno balaarinta cisbitaalka oo  baahi weyn loo qabo, adeega caafimaad ee Gobolka runtii  aad buu u wanaagsan yahay, haddana waxaan rabnaa intaas inuu kasii fiicnaado, kasii wanaagsanaado, maamulka cisbitaalka, maamulka caafimaad ee gobolka  shaqo fiican bay qabteen waana ku amaanaynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Dhismaha Cisbitaalka waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland, dadweynaha iyo maamulka gobolka, waxaan rajaynaynaa inaanu helno cisbitaal wanaagsan, waxaan rajaynaya inuu ku dhammaado wakhti aan dheerayn, adeega caafimaad ee uu u hayo gobolka iyo degmadaba uu horumaro ayaan rajaynayaa” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

 

=DHAMMAAD=

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...