Kuwait oo si ku lul u weerartay dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

Date:

Muqdisho(SONNA) Afhayeenka baarlamaanka dalka Kuweyd Marzouq Al-Ghanim,  oo ka qaybgalay kulankii baarlamaanada adduunka kiisii 137-aad oo ka socday dalka Russia magaalada Saint-Petersburg ayaa kalmado weerar ah oo geesinimo ku jirto ku yiri xubnihii ka socday gumaystaha Israel ee haysta dalka Falastiin

 

Marzouq Al-Ghanim, ayaa shalay oo Arboco ahayd ku yiri xubnihii matalayay Israel inay hoolka shirku ka socdo bannaanka uga baxaan wuxuuna cod dheer ku yiri.

“Waxaan guddoonka baarlamaanka caalamka u sheegayaa, kuwan u eg inay yihiin xildhibaano ee matalaya dowladda argaggixisada ah ee fuliya fal-kasta oo xun inay bannaanka u baxaan”

Wuxuu kaloo intaa sii raaciyay, “Waxaad tihiin gumaysteyaal, dilaa ayaad tihiin maatada xasuuqa, carruurta laaya, waxaan u sheegayaa gumaysteyaasha oraahda caanka ah  “haddaydnaan xishoonayn waxaad doontaan sameeya”

Wuxuu kaloo yiri:-  Hadday idinku jirto waxyar oo karaamo ah waxaa idiin fiican inaad bannaanka u baxdaan gumaystayaalyohow, baxa!

Al-Ghanim ayaa kulan saxaafadeed uu qabtay markuu soo idlaaday kulankii baarlamaanka adduunka u sheegay warfidiyeennada inuu muujinayay kacdoon ka dhan ah gumaystaha Israel kaddib markii la xiray xildhibaano Falastiini ah oo shirka iman lahaa, wuxuuna hadalkiisii sababay in xubno badan oo shirka caalamiga ah ku sugnaa ay ku taageereen kacdoonka ay muujiyeen xubnihii ka socday dowladda Kuwayt.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Waan u caddaynay waxay yihiin, waxaan kaloo u sheegnay inaysan hoolka shirarka aysan sharci u lahayn inay yimaadaan, taasoo ay nagu taageereen martidii kale ee sharafta lahayd ee goobta ku sugnayd”.

Al-Ghanim wuxuu kaloo intaa raaciyay, “Waxaan si caro-leh ugu sheegay inay boorsooyinkooda qaataan hoolkana ka baxaan”.

Hadalka mudane Al-Ghanim kaddib ayaa laga arki karaa gaaban oo warbaahinta loo dusiyay oo kasbaday taageero badan, waxaana mar qura isqabsaday hoolkii shirka garaacidda miisaska taasoo ku qasabtay xubnihii ka socday Israel inay shirka ka baxaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...