Masar oo looga baroor diiqey dadkii ku waxyeeloobey qarixii Soobe

Date:

Waxaa sii kordhayay qeylo dhaanta iyo walaaca laga muujinayo xasuuqa Shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qarixii bahalnimada ahaa oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magalaaad Muqdisho.

Kulan baroorqiid ah oo ay Soomaalida ku nool Masar ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarki 14-ki October ka dhacay Muqdisho oo lagu laayay ku dhawaad 300 oo ruux oo Soomaali ah, ayaa xalay ka dhacay safaarada Soomaaliya ee magaalada Qahira ee Caasimadda Dalka Masar.

Waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay kulankaasi Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Masar iyo Jaaliyadda Soomaalida,kuwaasi oo muujiyay dareenkoodi murugada leh oo ay ka qabaan gumaadka shacabka ay ku hayaan SHabaab.

Madaxweynihi Hore ee Soomaaliya Dr C/Qaasim Salaad Xasan,Safiirka Soomaaliya ee Masar C/qani Wacays iyo Xasan Maxmed Xuseen Muungaab oo soo qabtay xilal kala duwan ayaa ka qeybgalay kulankaasi boqoordiiqa ahaa,waxaana ay ku booriyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda in ay u istaagaan ladagaalanka cadowga,sida uu sheegay Dr C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Jaamacadda Carabta C/qani Wacaysa ayaa sheegay in looga baahanyahay shacabka iyo Dowladda in ay iska kaashadaan sidii looga hor tagi lahaa khataraha cadowga.

“Anagoo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed ee halkani kunool waxaan la qeybsanaynaa umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo xanuunkii ku dhacay,waxaan leenahay ha loo midoobo Dowlad iyo shacab sidii la isaga kaashan lahaa ka hortaga dhibaatooyinka Shabaab”, Ayuu yiri Safiir  C/qani Wayas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...