Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo lagu aasayo dalka India

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin lagu aasayo dalka India.

Wasiiru dowladaha oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u xajiiyay in kulan ay isugu yimaadeen Senetarada, Xildhibannada golaha Shacabka, Nabadoonada, Ugaasyada iyo Ehelada Marxuumka ay isku afgarteen in Marxuumka lagu aasayo Qabuuraha Muslimiinta ee dalka India.

Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa xusay in madaxda safaaradda Soomaaliya ee dalka India ay aas Qaran u sameynayaan marxuumka maanta oo khamiis ah, iyadoo aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka India.

Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa sheegay in tacsi iyo baroor diiq socon doonto muddo saddex cisho ah loogu sameyn doono Muqdisho, isla markaana Xildhibaannada iyo saaxiibadiisa ay la soo xiriiri karaan Eheladiisa, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Wasiiru dowlaha, Wasiiru dowlahii hore ee Dastuurka, iyo XildhibaaNnada laba Aqal ee kasoo jeeda beesha uu ka dhashay marxuumka.

Allaha u naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin waxa uu Xildhibaanimada ku soo biiray tan iyo dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iyadoo marxuumka isla xilligaas soo noqday Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...