Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo Nairobi kusoo dhoweysay Bukaanadii saaka Muqdisho ka dhoofay

Date:

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Nairobi ee Xaruna Dalka Kenya, ayaa sheegay in magaaladaasi ay gaartay diyaaraddii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay KM5, kuwaasi oo maanta ka dhooftay Magaaladda Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi kusoo dhoweeyey Bukaanada Soomaaliyeed, Masuuliyiin ay ugu Horreeyso Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Maxamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhoweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay, waxaana ay sheegtay in ay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya, ayna kala shaqeynayaan arrimaha nabad gelyada iyo la dagaalanka Argagixisada Alshabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...