Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno”

Date:

Muqdisho (SONNA)  , 18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaaladda Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha, ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.

“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”

 
Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.

 

 

 

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...