Madaxweyne Farmaajo “Ilaaheey waxa uu isku soo dhaweeyey quluubteenna, si aan u aragno cadowgeenna u lana-dagaallanno”

Date:

Muqdisho (SONNA)  , 18 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kaga qayb galay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaaladda Muqdisho bannaan-bax lagaga soo horjeedo kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Madaxweynaha, ayaa halkaas kula hadlay kumanaan shacab ah oo ka soo qayb galay bannaan-baxaan, isaga oo kula dar-daarmay in ay ilaaliyan midnimada iyo amniga, kana qayb qaataan sidii loo dabar goyn lahaa cadowga sida arxan darrada ah u gumaada shacabka Soomaaliyeed.

“Meel kasta oo ay Soomaalidu joogto maanta waa isu dhawdahay. Ilaaheey waxa uuna isku soo dhaweeyey quluubteenna si in u aragno cadawgeenna ulana dagaalanno, anaga oo difaacaneyna dadkeenna iyo dowladdeena.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey dhammaan qaybihii Bulshada ee kaalinta muhiimka ah ka qaatay howlaha gurmadka iyo samata bixinta dadkii ku dhaawacmay falkii argagixisanimo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka-Sida dadaalkii muhiimka ahaa ee ay kaga qayb qaateen howlaha gurmadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Dhammaan shacabka iyo dowladdu waxa ay muujiyeen isku duubni, taasina waa tilmaamta rajada maanta ay qabaan shacabka Soomaaliyeed, balse jawaabta aynu ka bixinno dhammaanteen musiibada dhacda ayaa noqonaysa midda la ina ku qiimeeyo.”

 
Sidoo kale, bannaan baxaan waxaa hadallo ka jeediyey Raiisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabid Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda iyo kuwa bulshada rayidka ah.

 

 

 

-DHAMMAAD-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...