Madaxweynaha Suudaan oo Amray in Addeeg caafimaad oo tayo leh loo fidiyo Bukaanada Soomaaliyeed ee Wadankaasi gaaray

Date:

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii Maanta ay ka qaaday Magaaladda Muqdisho ee ku wajahnaa Dalka Suudaan, ayaa hadda ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dalkaasi, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo Jaaliyadda Dalkaasi ku nool.

Madaxweynaha Dowladda Sudan, Cumar Albashiir, ayaa kahadlay qaraxii Zoobe ee Dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Suudaan ay diyaar u tahay Caawinaada iyo Garab istaaga Soomaaliya, ayna la qeyb saneyso Dhibaatada.

Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa Amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh, waxaana uu intaas ku daray in xil gaar ah la iska saaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...