Dibad bax ballaaran oo ka dhanka ah falalka guracan ee maleeshiyada Alshabaab ayaa haatan waxaa uu si toos ah uga soconaya garoonka kubadda Cagta Koonis ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay joogaan madaxda qaranka.
Madaxweynaha JFS,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo R/wasaaraha XFS ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo dhibaatooyinka ay Shacabka ku hayaan Maleeshiyada Shabaab iyo qarixii Soobe kaasi oo haatan ka soconaya Garoonka kubadda Cagta ee Kooonis ee magaalada Muqdisho.
Dadka ayaa ku qeylo dhaaminaya Alshabaab dooni mayno iyo hadalo kale oo ay ku muujinayaan sida SHabaab ay cadow ugu yihiin umadda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintan ayaa khudbad u jeedinaya shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi,iyagoo ku boorinaya in ay muujiyaan isku duubni si loo wajoho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.