Taallada Tour Eiffel ee Paris oo la damiyay si loogu murugoodo Qaraxii Soobe

Date:

Paris(SONNA)–Duqda Magaalada Paris, Anne Hidalgo ayaa amar ku bixisay in la demiyo taallada Tour Eiffel ee ay Paris caanka ku tahay Axadda si loogu murugoodo Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhintay qaraxii Sabtida la soo dhaafay ka dhacay Isgooyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Taallada ay caanka ku tahay Magaalada Paris ee Cariga Faransiiska ayaa la damiyay Nalalkii ka shidnaa, taasi oo loogu boroor-diiqayo dhacdadii ugu xumeed ee ka dhacda guud ahaan Dalka Soomaaliya 14-kii bishan , waxaana ku naf waayay Dad aad badan, islmarkaana waxaa bur-buray hanti aad u fara badan.

Duqa Magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa sheegtay in la dami doono Nalalka ka shidan Taalladaasi , si loola qeybsado dadka Magaalada Muqdisho dhibaatadii ku dhacday.

Dowlada Turkiga ayaa iyana Daartay Iftiin Buluug ah, si ay u Muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibkii loo geystay Dadka Muqdisho Sabtidii.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay dhacdadaasi mid ah nasiibo Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka Soomaaliya muddo 3 cisho ah.

Dhanka kale wadanka Canada oo kamid ah wadamada dhaca Waqooyiga Ameerika ayaa looga boroor diiqey shacabka Soomaaliyeed,waxaana masโ€™uuliyiinta Dowladda Canadda ay sheegeen in shacabnka iyo Dowladda Soomaaliya ay murugada la qeybsanayaan.

Raโ€™iisul Wasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa muujiyay sida Dowladda Canada iyo shacabkeeda ay uga xun yihiin dhibaatadii soo gaartay shacabka Soomaaliyeed.

Mr Trudeau ayaa sheegay in ay la qeybsanayaan murugada shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi fal wuxuushnimo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...