Muqdisho (SONNA) Kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxaii 14 bishaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho ayaa lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxaana kasoo qablay jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Dowladda maraykanka.
Kulankaan baroordiiqda ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan laga soo doorto gobolka Minnesota iyadoo dareenkeeda la qeybsatay Bulshada Soomaaliyeed sheegtayna inay ka go an tahay Caawinta Soomaaliya.
Bulshada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ayaa wada didaalo lagu Caawinaayo Muwaadiniintii ay dhibaatadu ka soo gaartay Weerarkii bahalnimo ee dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulankaan xalay lagu qabtay Magaaladda miniyaabulis ayaa qeyb ka ah baroodiiqda loo sameynaayo dadkii ku dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii 14 bishaan ka dhacay magaalada muqdisho ee Caasimadda Dalka.