Koonfur Afrika oo si Kulul u Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareyneysa Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, Sabtidii, 14 October 2017, taas oo keentay in dad badan oo shacab ah ay ku dhintaan boqolaal kalane ay ku dhaawacmeen

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada koonfur afrika ayaa lagu yiri ” Koonfur Afrika ayaa dib u soo celinaysa cambaareynta dhammaan noocyada argagixisanimada iyo xagjirnimada gacan ka hadalka. Waxaa si gaar ah loola jeedaa in weerarka loo geystay si aan kala sooc lahayn dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan lagu laayay taasi oo tirada dhimashada ay 200 oo qof kor u dhaaftay

“Dawladda Koonfur Afrika waxay mar waliba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee xilligan ku sugan xaaladda adag

Madaxweynaha koonfur afrika Jacob Zuma  ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ehelada dadkii ku naf waayay qarixii 14 bishan ka dhacay magalada muqdisho waxaana dadka dhaawaca ah uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah in eeba siiyo

Ugu danbeeyntii warsaxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibada Koonfur Afrika ayaa waxaalagu sheegay in dowladda koonfur Afrika sii wadi doonta inay la shaqeyso dalalka kale ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay u sahamiyaan xalalada amni ee muddada dheer ka taagan soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...