Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iska kaashaday nadiifinta Burburka uu reebay Qaraxii Zoobe “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Olole nadaafadeed oo Shacabka Muqdisho, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda ay ka sameeyeen Isgooyska Zoobe oo Sabtidii lasoo dhaafay uu ka dhacay qaraxa aad u xooggan oo galaaftay Nolosha dad ku dhow 300 oo qof.

Dadka Ololaha Nadaafadda sameynayey oo u badnaa Dhalinyaro isxilqaantay ayaa wajiyadooda laga darreemayey qiiro wadaniyadeed, iyagoo si hagar la’aan ah u waday ololaha Nadaafadda, waxayna qaarkood oo aan lahadlay ay ila wadaageen sida ay uga xun yihiin Musiibadii Halkaasi ka dhacday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Maamulkiisa oo kaashanaya Bulshada Gobolka Banaadir ku nool ay wadaan Nadiifinta  burburka ka dhashay qaraxa, waxaana uu u mahada celiyey Dadka  si iskaa wax u qabso ah u wado Ololaha nadaafadeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa dhalinyaro boqolaal ah oo isugu yimid goobta masiibada ka dhacday oo olole nadaafadeed & taxadar baaritaan ah kawada” Guddoomiye Taabit ayaa sidaasi yiri.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay isku duuban yihiin, hadii wada shaqeynta nuucaan oo kale ah la joogteeyana si fudud dalka oo dhan looga ciribtiri karo cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab.

Dowladaha Turkiga, Jabuuti, Qatar, Kenya iyo Mareykanka ayaa dhamaantood Diyaarado sida Deeq dawo oo lagu dabiibayo dadka waxyeelada soo gaartay waxay keeneen magaalada Muqdisho, iyadoo Dowlada Turkiga ay dhaawacyada ugu daran ku dabiibeyso dalka Turkiga, waana dowladii ugu horeysay ee garab istaaga u muujisa umadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxa, wuxuuna sheegay in ay korortay Tirada dhimashada oo hada mareysa 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...