Deeq Dawo ah oo ka timid Mareykanka oo soo gaartay Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa goordhow soo gaaray Diyaarad sida Deeq dawo ah oo Dowlada Mareykanka ay ugu soo gurmatay dadka dhibaatada ka soo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Soobe, waxaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Siihaya Safiirka Dowlada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi, waxaana la gaarsiin doonaa dadka dhaawacyada ee ku jira Isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Safiirka Mareekanka ee Soomaaliya ahna safiirka ku xigeenka Martin Dale waxa uu warbaahinta u sheegay in Mareekanku ka xun yahay waxa dhacay, islamarkaana uu soo gaarsiiyay Gurmadka degdega ah oo dawooyin ah oo kharash ahaan dhan 100.000 oo Doolar.

“Aad ayaan uga xunahay sabtidii wixii dhacay dad badan oo waxba galabsan ayaa geeriyooday, Mareekanka oo soo marinaya Hey’ada Gargaarka Caalamiga ah ee Mareekanka USIAD waxa uu ugu talagalay Gargaarkan dawooyinka ah ee diyaaradu keentay oo ku kacay 100.000 doolar ( Boqol kun oo dolar) waan sii wadaynaa waan ka xunahay wixi dhacay, Madaxweynaha Soomaaliya  Saakay ayan teleefoonka kula hadlay xaqiiqdii waa arin aad u muruga badan” ayuu yiri Martin Dale.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed waxa uu kaalmadan degdega ah ku tilmaamy mid muujinaysa saaxiibtinimada Mareekanka iyo Garab istaagooda Soomaaliya.

“ waan u Mahad celinaynaa Mareekanka tani waxa ay Muujinaysaa saaxiibnitinada iyo Garab istaaga Dowlada Mareykanka ay garab taagan tahay Soomaaliya waa waqtigii ugu muhiimsana ayna u baahneed Soomaaliya” ayuu Yiri Gudoomiye Taabid Cabdi.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Diyaarado kale oo wada Gurmad caafimaad ah kuwaas oo ay balanqaadeen dowlado Saaxiib la ah Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS...

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...