Dhalinyarro fara badan oo ku qulquaya Xarunta Gurmadka Qaran, si caawinaad ay u bixiyaan

Date:

Qaar kamid ah Dhalinyaradda Soomaaliyeed, ayaa si aad ah usoo buux dhaafinaya Xarunta Gurmadka qaran ee Magaaladda Muqdisho, kuwaasi is mutadawacnimo ah uga qeyb qaadanaya howlaha Gurmadka ee loo fidinayo dhibaneyeeshii ku waxyeeloobay Qaraxii Argagixisada Kooxda Alshabaab ay ka geeysteen Isgooyska Zoobe ee Gobolka Banaadir.

Dhalinyaradan ayaa darreenka Murugada ah la qeybsanayey Ehelada dadkii ku nafwaayey Qaraxaasi, waxaana arkay qaar la ilmeynaya Waalidiin Caruurtoodii ku Waayey Musiibadda, iyaggoo ugu laab qaboojinayey in ay sabraan oo alle ay weydiistaan Badal kheyr qaba.

Qaar kamid ah Dhalinyaradaasi ayaa lacago ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran, si loogu gargaaro dadkii Waxyeelada ay soo gaartay, qaar kood oo aan la hadlayna waxay ii sheegeyn in ay diyaar u yihiin in si hagar la’aan ah dadka iyo dalka ay ugu addeegaan, ayna diyaar u yihiin in Naftooda ay ku waayaan u qidmeynta Qaranka.

“Waa in aan u noolaanaa sida Libaaxa oo kale, maaha in aan fiirsano  Koox yar oo itaal daran oo dadkeena Maalin walba ay xasuuqaan, wixii maanta ka biloowda aan diyaar u noqono in aan Cadowga arxanka darran aan ka xoreyno Dalkeena” Mid kamid ah dhalinyaraddii aan la kulmay ayaa sidaasi igu yiri.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...