Wefdi Turki ah oo la filayo in ay soo gaaraan Muqdisho

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kuwaas oo soo dhaweynaya dhakhaatiir iyo wefdi ka imaanaya dalka Turkiga oo la socda diyaarad Ambulance ah oo sida dawo iyo qalab kale ee caafimaad oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada ku habsatay.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo kamid ah mas’uuliyiinta garoonka ku sugan ayaa sheegay in Turkiga uu noqday wadankii ugu horeeyay ee ka jawaaba codsiga dowladda Soomaaliya u jeedisay ka dib qaraxii Zoobe gelinkii dambe ee Sabtida.

Wasiir yariisow, ayaa intaa ku daray in diyaaradda ka imaanaysa Turkiga ay la socdaan dhakhaatiir takhasus ah si dadka dhaawacyada qaba qaarkooda halkan loogu daweeyo islamarkaana sida uu qorshuhu yahay in ka badan 40 bukaan maanta loo duulin doono Turkiga si halkaas daweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan, wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay soo diri doonaan dawo iyo qalab caafimaad oo loogu talagalaydadka dhaawacmay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebook-ga ku soo qorey in dowladda ugu mahadcelineyso dalalka muujiyay in ay garab istaagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...