Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhaqaatiir ay qeyb ka yihiin  ayaa soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxayna la kulmeen Madaxda ugu sareysa dalka.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha ayaana uga mahad celiyey howlaha Gargaar ee ay wadaan iyo doorka ay ka qaateen u gurmashada dadkii Musiibadii Zoobe ee Muqdisho waxyeelada kasoo gaartay.

intaasi kadib Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti uu horkacayo, isagoo ku ammaanay doorkii  gurmadka walaalnimo ee ay u sameeyeen Bulshada Soomaaliyeed ee Waxyeelada ay soo gaartay, xilli Soomaaliya ay garab istaag u baahnadeen ayuuna u sheegay  in ay usoo gurmadeen.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay  ee  Jabuuti, Dr jaamac Cilmi iyo wafdigiii uu hoggaaminayey, ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaasi oo ay kula kulmeen Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoo warbixin ku saabsan qaabka gurmadka loo wado ka dhageystay R/wasaare ku xiggeenka.

Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyada Jabuuti Mudane Jaamac Cilmi Cokane, ayaa sheegay in dhaqaatiirtan ay u yimaadeen inay baxnaaniyaan dhaawacyadii qaraxii ka dhacay Muqdisho, waxaana uu xusay Wasiirku inay in wadaan daawooyin loogu talagalay dadka qaba dhaawacyada.

Wafdigan oo ay soo dhaweyeen Wasiirada Arimahada dibadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uga mahadceliyey gurmadka  Jamhuuriyadda Jabuuti ee ku aadan garab istaaga Walaalahood Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa  ah dowladii ugu horeysay  ee ciidamadeeda ku jiraan kuwa AMISOM gaar ahaan Hiil walaal ee gurmad muuqda u soo dirtay Soomaaliya marka laga reebo dowladda Turkiga oo daabushay dhaawacyadii ku dhawaad 40 ruux oo ku waxyeeloobay qaraxii aragagaxisdu ku gumaadeen shacabka Soomaaliyeed 14-kii bishan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...