Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarunta Gurmad Qaran-Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran, oo ay ka socdaan Howlo lagu caawinayo dadka dhibaatada soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariistay qeybta ay ku soo dhacayaan Telfoonada dadka ehelkooda raadinaya, isagoo qabanaya Telfoonada shacabka soo dirayaan, kana diiwaan galinaya Magacyada dadka ka maqan, iskuna sheegaya dadka soo wacaya in ay la hadlayaan Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya, uuna la qeybsanayo dhibaatada shacabka.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda dowlada oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay shacabka ula qeybsanayaan dhibaatada ku dhacday, iyagoo habeen iyo maalin u taagan dadaal lagu caawinayo shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...