Qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe oo Turkiga loo qaaday(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho (SONNA):–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 ruux oo shacab Soomaaliyeed ah kuwaa soo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin ayaa loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimid dalka iney ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaarto Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo guddiga qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...