Ururka IGAD oo cambaareeyey Weerarkii argagixisinimo ee Shalay Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho (SONNA)  War saxaafadeed kasoo baxay  Urur Goboleedka IGAD oo uu ku saxiixan yahay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Maxbuub Macalin, ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii aragaxisanimo ee shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ku waxyeelada ay soo gaartay iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa inay caafimaadaan kuwa dhaawacmay” sidaas ayuu yiri Xog hayaha guud ee Urur goboleedka IGAD Maxabuub Macalin.

Warka kasoo baxay IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka uu xaqiijinayo sida ay uga go’aan tahay Taageerada dadka Soomaaliyeed ee ku aadan dagaalka Argagaxisada ee gobolka iyo guud ahaan Qaaradda oo dhan.

“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka in la cusbooneysiiyo ka go’naashaha in laga guuleysto kooxaha Argagaxisada ah, kuwaasi oo ujjeedkooda ugu weyn uu yahay inay abuuraan aragagax, Burburin iyo dhimasho, iyaddoo la xoojinayo taageeradda Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom” sidaasi ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha guud ee  Urur goboleedka IGAD.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan Midnimo, islamarkaana uu ku boorinayo in dhammaan in la xushmeeyo Nidaamka, Dastuurka Sharciga iyo dhaqanka Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...