Shacabka oo wada gurmad loo fidinayo dadka qaba dhaawacyada ee kujira Isbitaalada Muqdisho

Date:

Dad Shacab ah ayaa buux dhaafiyay Isbitaallada iyo sidoo kale Isgoyska Soobe Magaalada Muqdisho sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha SONNA qaarkood oo halkaasi tagay.
Waxaa jira dad badan oo ilaa iyo hadda geeri iyo nolol aan gacanta lagu heyn.

Dadka Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ka maqan ay ugu war dambeysay Shalay ,islamarkaana qaarkood ay ku sugnaayeen Isgoyska Soobe.

Sidoo kale dadka buuxdhaafiyey Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa doonaya in ay dhiig ugu deeqaan dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarka Argagixisanimo ee shalay galab ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale masuuliyiin katirsan dowladda oo ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa gaaray Isbitaalada qaarkood, iyaga oo dhiigooda ugu deeqay dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...