Ra’iisul Wasaare Khayre oo guddi u saaray Qaraxii Isgoyska Zoobe

Date:

Muqdisho, 15 October 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi isagu jira Wasiiro , Maamulka Gobolka Banaadir, Culima’udiin iyo Ururada Bulshada rayidka ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah;

Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

Ibraahim Isaaq Yarow W/K Xigeenka Boostada &Isgarsinta (Xubin)

Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Guddigan ayaa bilaabey howlahooda isku dubaridka aaska qaranka, gurmadka dhaawacyada si dibedda loogu qaado kuwooda cul-culus iyo in bulshada lagala qeyb qaato baroordiiq qaran oo socon doonta muddo saddex maalin ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo xubnaha dawladdu inay ka qeyb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay dadka qaba dhaawac yada culus in loo qaadi doono caafimaad dibedda ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca ku booqday Isbitaallada Muqdisho dhaawacyadii dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay falkii argagixiso ee 14kii October wuxuna ku caawiyey dhiig, isagoona dhinaca kale booqday goobtii uu qaraxu ka dhacay oo ka muuqday burbur baaxad weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...