Madaxweynaha JFS oo dhiig u shubay dad waxyeelo ka soo gaartay qarixii Soobe.(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  booqday goobtii mashaqadu ka dhacday iyo Isbtitaalada isagoo u kuurgalaya xaaladda shacabkii Soomaliyeed oo waxyeeladu ka soo gaartay qarixii caddowga uu ka geystay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay wehliyeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa tagay qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadka dhaawacyada qaba,wuxuuna madaxweynuhu  dhiig u shubay dad Soomaaliyeed oo qaraxaasi dhibaato culus ka soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay sida Dowladda Soomaaliya ay uga xuntahay dhagaraha ay cadowgu ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku baaqey in laga wada qeyb qaato u gurmashada dadka walaalaha ah ee mashaqadu qabsatay.

Isbitaalada waxaa yaala meydad iyo dhaawacyo aad u badan,sidoo kale waddooyinka iyo isbitaalada waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo qaar kood baadi goob ugu jira qaar kamid ah eheladooda oo la la’yahay halka qaarna ay halkaasi u tagayaan in ay gurmad sameeyaan.

Waxaa jira meydad weli la aaminsan yahay in ay ku hoos jiraan dhismayaasha hoostooda,xalay ilaa saaka waxaa soconaya howlaha gurmadka ah oo lagu faagayo dhismayaasha burburay hoostooda si lo raadiyo suuro galnimada in ay jiraan dad ku hoos jira halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...