Madaxweynaha Hir/Shabeelle oo Ku Baaqay In Loo Midoobo Ciribtirka Kooxaha Argagaxisada

Date:

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh u Diray ehelada,Asxaabta, qaraabada, iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, dadkii u waxyeeloobay mashaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay Ku nafwaayeen dad aad u fara badan oo waxba aan galabsan, waxaana dadkii Ku dhintay  uu eebe uga baryay  In naxariista jano uu ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah uu siiyo.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa sheegay in mar walbo loo baahanyahay  Dowlad Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay muujiyaan midnimo meelna uga soo wada jeestaan Cadowgani maalin walba  caadeystay leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan walaalaha Ku waxyeeloobay weerarkaasi baahalnimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis is afgarad Caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr....

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen guddiga heer qaran ee la-dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...

Ra’iisul Wsaaraha XJFS oo xarigga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgaliyey Degmada Wadajir ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...