Wasiirka Howlaha Guud oo sharxay dhismaha guryaha uu Turkiga balanqaaday

Date:

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadiq Cabdullaahi Cabdi oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiir ku-xigenka Wasaaradda, Xildhibaan Jamaal Xasan Cusmaan, ku-simaha Agaasimaha guud iyo masโ€™uuliyiin kale oo katirsan Wasaaaradda.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo uu dalka Turkiga uu kula soo yeeshey masโ€™uuliyiin kala duwan, waxaana ugu muhiimsan dabagalka qorshihii dhismaha toban kun ee guryo oo dowladda Turkigu ay balanqaaday oo uu sheegay in ay meel fiican marayaan.

โ€œSafarkeena waxaa uu ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha dib u dhiska, waxaan tagnay magaalooyinka Ankara iyo Antalya, waxaana la kulanay masโ€™uuliyiin iyo ganacsato si fiican ayay inoo soo dhaweeyeen, waxaana kala hadalnay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dib u dhiska dalka, gaar ahaan arrrintii dhismaha toban kun ee guryo, ayaana kala hadalnay meel fiican ayay marayaan, dhawaan ayaana si faah faahsan uga hadli doonaa howlaha Wasaaraddaโ€. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan kaabayaasha ugu muhiimsan wadanka oo in muddo ah burbursan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale