R/wasaare Kheyre oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku waxyeeloobay qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA). Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Galabta ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho.

R/wasaare kheyre, ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid Argagixisinimo, isagoo xusay in falkaan uu muujinayo Arxan darrada Nabad diidka Alshabaab, waxaana uu tilmaamay in dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay ay ahaayeen shacab waxba aan galabsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo maamulka Gobolka banaadir ay gurmad baaxad leh ay u sameeyeen dadkii qaraxa ku waxyeeloobay, dadka soomaaliyeed ayuuna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka socda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa cambaareeyey qaraxa dadka badan ay ku waxyeeloobeen oo Argagixisada Alshabaab ay ka geeysteen galabta Magaaladda Muqdisho, iyagoo Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kaalin ka qaataan gurmadka loo fidinayo Dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Qeybaha kala duwan ee Bulshadda, Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku ah u cambaareeyey qaraxan, iyaggoo  ku tilmaamay musiibo qaran oo muujineyso Arxan darada iyo xasuuqa Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...