R/wasaare Khayre oo magacaabay guddiga la socodka tartanka loo galayo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dowladda

Date:

Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta magacaabay guddi la socda tartanka loo galayo 26ka Agaasime guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka kooban ilaa 11 xubnood.

Guddigan oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo ururada Bulshada Rayidka  ayaa guddoon looga dhigay R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar,kaasi oo shaqadiisu ay noqon doonto in uu la socdo tartanka loo galayo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya.

11ka Xubnood ee guddigan ayaa kala ah  5 Wasiir ,Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo 5 xubnoo oo ka kala socoda Ururada Bulshada Rayidka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay daah furnaanta maamulka Hay’adaha Dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in tartan loo gali doono xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Soomaaliya,taasi oo haatan fulinteedi ay bilwoday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...