In ka badan 37 qof oo ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam

Date:

Muqdisho (SONNA) Tirada dadkii ku dhintay daadad ku fatahay dalka Viyetnam oo wata dhoobo ayaa korortay,taasoo ka dhalatay roobab ka daโ€™ay Waqooyiga dalkaasi Viyetnam.

Warbaahinada ย kala duwan ee dalkaasi ayaaย sheegayaย in Roobab maalmihii la soo dhaafay ka daโ€™ay dalkaasi ay sababeen mashaqadaasi ku habsatay dadka dhintay,welina ay Ciidamada gurmadka deg degga ah ay wadaan baadi goobka dad nool oo weli ku hoos jira burburka Guryaha.

Warka wuxuu intaa ku daray in musiibadaasi ay ku burbureen in ka badan 1000 Guri halka in ka badan 17 kun Gurinaย  ay biyaha ka hoos mareen.

Masuuliyiinta dalka Viyetnam ayaa amray in laga daadgureeyo degaanadooda dhibaatada ku habsatay 200 kun oo qof.

Sida laga warqabo bishii Agusto ee tagtay musiibo noocan ah oo ku habsatayย  waqooyiga dalkaasiย  ayaaย  waxaa ย ku dhintay 26 qofย  iyadoo guryo badan ay daadadku qaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale