Golaha Wasiiradda XFS oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay Gen Cabdi Jaamac Xuseen (Gorod)

Date:

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar). Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa magacaabista Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay hay’adaha amniga oo ku aadan arrimaha xasilinta iyo howlgallada sugidda amniga dalka. Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyey in la dardargelin doono howlgalada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta.

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa golaha wasiirada u sheegay in Axmed Jimcaale Cirfiid uu iska casilay xilkii Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed. Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbisey talo soo jeedin in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo taliyaha cusub. Dood dheer ka dib, ayey galaha wasiiradu u codeeyeen oo aqbaleen talo-soojeedintii aheyd in S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) uu noqdo Taliyaha Xooga Dalka Soomaaliyeed, tanoo loo gudibn doono Madaxweynaha si uu dikreeto uga soo saaro. Wasiirka Gaashaandhiga Rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa isna iska casilay xilkii wasiirka Gaashaandhiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha ka codsaday inay ka warbixiyaan xaalada xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradahooda iyo wasaaradaha dawlad goboleedyada. Ugu yaraan 12 wasiir ayaa sheegay in wasaaradahooda ay xiriir wanaagsan la leeyihiin wasaaradaha dawlad goboleedyada oo kulamo wadatashi iyo xoojinta xiriirka ay ka dhaxeyso, kulamadaas oo ka kala dhacayey Muqdisho iyo xarumaha dawlad goboleedyada. Wasiirada warbixinada laga dhageystay ayaa kala ahaa Wasiirada Arrimaha Gudaha, Boostada & Isgaarsiinta, Qorsheynta, Maaliyada, Warfaafinta, Waxbarashada, Dastuurka, Biyaha, Diinta & Awqaafta, Gargaarka, Garsoorka, Dhalinyarada & Ciyaaraha, Ganacsiga, amniga, iyo kuwo kale.

Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey baaqii Madaxweyne Farmaajo ee midnimada iyo wadashaqeynta hay’adaha dawliga ah ee heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed. Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda ay ka go’antahay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta dawlad goboleedyada, qirayna inuu heerkii ugu sareeyey marayo iyadoo golaha wasiirada ay shirkooda caadiga ah ku qabsadeen 13kii July 2017 Kismaayo, una qorsheysneyd inay Baydhabo ku qabsadaan shirkooda kale hase yeeshee Maamulka Koofur-Galbeed uu dib u dhigay, lana rajeynayo in dhowaan shirkaas ka dhaco dhammaan dawlad goboleedyada dalka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhagesytay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee ku aadan booqashadii Madaxweyne Faramaajo ku tagey Sacuudiga, Sudan iyo Masar, sheegeyna in xiriirka dalalkaas la sii xoojiyey iyadoo awalba ay Soomaaliya iyo dalalkaas leeyihiin xiriir qoto dheer oo taariikhi ah. Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo safar uu ku tagey Finland ka warbixiyey.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda

Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xustay...

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane...

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka...