Muqdisho (SONNA) Waxaan hambalyo iyo boogaadinba halkaani ugu soo gudbinayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maanta oo ah sanad guuradii 63aad ee calanka qaranka soomaaliyeed waa maalin xusid mudan, waxaa oo kale aan halkani ugu hambalyeena dowladda cusub oo uu hogaamiyo muddane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaare Xassan Cali Khayre,waxaana ku boorinayaa in xilka culus ay shacabka soomaaliyeed ku aamineen inuu ilaahay waafajiyo waddada toosan isla markaana noqdaan kuwiii maamulka dowladda oo shacabka ku aaminay in ay ku hogaamiyaan cadaaladd iyo sinaan iyo midnimo, kana fogaadaan musuqmaasuq,qabyaaladda, dulmi iyo lax jacleysi.
Sidaasi darted waxaa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka iyagoo wax waliba ay ka hormariyaan maslaxadda guud ee dadka iyo dalka soomaaliyeed,waxaan aaminsanahay haddii la helo maamul hufan oo xalaal ah in laga bixi doono dhibaatadda dalka muddada dheer ku jiray, lana gaari doono horumar iyo barwaaqo. Waxaa nasiib daro ah in halgankii lagu keenay calanka qaranka soomaaliyeed iyo midnimdda ummadda soomaaliyeed oo maanta lagu burburiyey nidaama aan horay soomaali looga aqoonin oo Nidaamka Fidaraalka , taaso ujeeddada ka dambeysa ay tahay in soomaalidii xorta ahayd in loo qaybiyey gobolo si ay marna u noqonin dowadda weyn oo awood badan leh, waxaan leeyahay in arrinta fidaraalka in laga fiirsaddo oo shacabka soomaaliyeed afti laga qaado maxaa yeelay dadweynaha soomaaliyeed waa dad isku diin, dhaqan iyo af ba ah oo is dhalay, mana filaayo in ay maanta xuduuda ay kala xirtaan sidaasi darteed waxaan leeyahay ha laga fiirsado nidaamka fidaraalka ah.
Shacabka soomaaliyeed wuxuu ku hanweynaa in maanlin maalmaha ka mid ah la heli doono soomaali weyn oo mideysan, riyaddaasi waxay maanta u muqataa in ay ku dhacday bohol laakiinse waxaan aamiinsanahay inta ay jiraan damiir soomaaliyeed oo nool in dhibaatadda iyo damaca gumeysi cusub in laga guuleysan doono rajaddii soomaali weyn in la gaari doono haddii Alla idmo.
Sida la wada ogsoon yahay calan walba wuxuu taagan yahay ama astaan u yahay qaranimadda dalka uu leeyahay, calankeena buluuga (cirka oo kale ah) iyo xiddigta cad ee dhexda kaga taala waxay astaan u tahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed oo isticmaarka u qayb qaybiyey shan qaybood .
Calanka soomaaliyeed oo ah astaan aad iyo aad u qurux badan markii ugu horeysay oo taariikhda ahayd 12 Oktoober 1954 ayaa la soo saaray, waxaana alifay ilaahay ha u naxriistee marxuum Maxamed Cawaale Libaan.
Alla ha u naxriistee Maxamed Cawaale Libaan oo ahaa wadani ah aragtidiisa ay fogtahay , isla markaasina soomaalinimada ay ku weyntahay, xiligaagi na wuxuu ahaa guddoomiyiha ururka shaqalaha soomaaliyeed wuxuuna ku micneeyey calanka sida tan hoos ku qoran;
Xiddigta cad ee bartamaha kaga taala calanka qaranka soomaaliyeed waxay xambarsan tahay micno weyn oo ah soomaal weyn waxaa loo yaqaanaa xidigta midnimada shacabka Soomaaliyeed. waxeyna mideyneysaa gobolada ay Gumeystayaashii reer yurub ay u kala qeybiyeen 5 qaybood oo kala: Koonfurta soomaaliya oo xiligaasi gacanta ku haayey dalka Talyaaniga, waqooyi galbeed , soomaali galbeed oo hadda itoobi ay ka tirsan tahay gacanta ugu jirto iyo waqooyi bari N.F.D oo hadda heysato Kenya , xiligaasi ganacta ay ugu jirtay dowladda Ingriiska iyo Djabouti oo xiligaasi maamulaayey dowladda Franciiska, midibka cadka ahna wuxuu ku micneeyey nabadgalyo , buluuga na wuxuu ku tilmaamay barwaaqadda dalkeena uu leeyahay.
Markii uu soo bandhigay ururka SYL iyo kuwa mucaadka ah ba dood dheer ka dib waxaa la isku waafay muxaafid iyo mucaaridba calanka uu soo ban dhigay Maxamed Cawaale Libaan, hase yeeshee markii loo geeyey maamulkii talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu egyahay calanka dalka Zair sidaasi darted aan la ogoleen calan dal leeyahay in la qaato , hase yeeshe Maxamad Cawaale liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka (Zaire) xiddigta ku dhextaal waa mid dahab huruud ah , sidaasi darteed maamulkii xafiiska basaabka ee Muqdisho waa ogolaaday in la qaato calanka buluug ah xiddigta cad dhexda kaga taala.
Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad iyo aad u qurux badan, kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himiladda ummadda soomaaliyeed oo ah in la helo soomaali weyn oo mideysan “Pan Somalism.
Calanka qaranka soomaaliyeed oo maanta 63 sano jirsaday , wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaasoo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL kuwaas ka soo horjeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.
Waxaan jaclahay in aan si koob u xus halgankii gobonimadoonka soomaaliyeed iyadoo maanta loo dabaal degaayo 63 guuraddii astaanta calanka u ah qaranimadda shacabka soomaaliyeed, waxaan jacalahay dhallinyaradda qurbaha ku dhallatay iyo kuwa dagaalkii sokeeye ka dib dhashay ee ku nool dalka in ay fahmaan dhibaatadda xanuunka badan loo soo maray xornimadda maanta aynu haysano , runtii xornimadaasi kuma aysan imaanin si fudud balse waxaa loo soo maray halgan adag oo dhiig fara badan loo daadiyey , sidaasi darteed waxaa loo bahan yahay in dhallinyaradda maanta jira in ay ku daysadaan doorkii wax ku oolka lahaa ee dhallinyaraddii soomaaliyeed ka soo qayb qaadatay xornimadda.
Dhalllinyaro ka kooban 13 , waxaa u suurta gashay markii ugu horeeyey taariikhduna ahayd Bishii May 15, 1943 kii in ay abaabulaan urur dhallinyaro gobannimo doon ah oo la magac baxay S.Y.C Somali Youth Club oo aan siyaasi ahayn.
Xisbigii S.Y.C. ahaa wuxuu isku beddelay urur weyn oo siyaasi ah lana magac baxay S.Y.L. Somali Youth League, ururkaasi waxaa albaabadda loo furay taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1947kii kaasoo go’aansaday halgan siyaasadeed oo gobannimo doon ah , sidii loo gaarsiin lahaa shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah.
Waxaa xusid mudan 11.01.1948dii waxay ahayd maalin xamaasad weyn leh taasoo ahayd tii ugu xoog badneyd uguna caansaneyd , sababtoo ah waxaa dhacaayey gudoonkii Aayaha Ummadda Soomaaliyeed , Maanlintaasi oo ay dhaceen dagaalo ba’an oo ay ku dhinteen 52 Talyaani ah iyo kuwa kale.
Maantaasi waxaa dalka ku sugnaa guddigii ka socday 4ta dowladdood ugu xoog weyn ee adduunka oo ku guuleystay dagaalkii labaad ee Addunka kan koobnaa, dowladda Mareynka Mr. Utter, dowladda Ingriiska Mr. Stafford, dowladda Ruushka Mr. Feodorof iyo dowladda Faransiiska Mr. Burin Des Rosier.
Guddigaasi oo ka socday 4tii dowladood waxaa u suurta gashay maalintii ay bishu ahayd 20kii Janaayo 1948 in ay la kulmaan xisbigii SYL iyo xisbigii HYC (Hamar Youth Club) oo ay isku mabada’ahaayeen ururka SYL iyo axsaabtii mucaadka ahayd oo ku bahoobay daladda “umbrella” la magac baxday Patriotic Beneficient. Kuwaasoo ka koobnaa todoba urur oo yar yar .
Guddigii markii ay dhageysteen doodihii faraha badanaa ee halkaasi laga soo jeediyey , waxaa u cadaatay in xisbiga SYL iyo HYC ay haystaan taageeradda shacabka soomaaliyeed, taasoo ay la yaabeen qabkii iyo hanaankii ay u soo agaasimeen warbixinadaasi oo soo jiidatay guddigaasi, waxayna balan qaadeen in ay u gudbin doonaan Jamaciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.
Taariikhda markii ay ahayd Oktoober 12.10.1954kii shacbka soomaaliyeed u suurto gashay in ay hanato calanka buluuga ah ee sharafta badan oo aan maanta aanu ku fano. Abwaakii Cabdullahi Qashe heestiisi calanka oo ah : Qolobaa calankeedu waa ceynoo , innaga keenu waa cirkoo kale e…..Taasoo abaalkeedu ay leeyihiin dhallinyaraddii u soo halgantay xornimada maanta aynu harsaneyno.
Haddaba waxaan kula dardaarmayaa masuulinta dowladda uu hooseedka ka yahay madaxweyne Prof. Xassan Sheekh Maxamuud iyo maamulka guud ee dowladda in ay dib u soo celiso sharaftii calanka iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.
Waxaan halkaani dhambaal hambalyo ah u soo gudbinayaa dhamaan bahweynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaana rajaynayaa bashbash iyo barwaaqo .
Waxaa soo diyaariyey
Dr. Cabdulkadir Cali Bolay