5 qof oo Shabaab ah oo ku dhintay gaari kula qarxay Hiiraan

Date:

Hiiraan(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Shabaab  uu la qarxay gari ay saar naayeen kaasi oo marayay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen maleeshiyada Shabaab uu kula qarxay deegaanka lagu magacaabo Luuq-Jeelow oo hostaga magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaal ayaa SONNA u sheegay in gaariga nuuciisu uu ahaa Noho islamarkaana laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,taasi oo sababtay in ay ku dhintaan 5 kamid ah dhagar qabayashii gaarigaasi u rarnaa.

Deeganka Luuq Jeelow wuxuu u jiraa Baladweyne ilaa 12 KM Khayaastii,waxaana gaarigaasi la sheegay in uu ka yimid dhanka Deegaanka Buqqable oo ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyada Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...