Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Munaasabad looga hadlayey Taakuleynta Ciidanka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb gaay munaasabad lagu soo bandhigeyey waxii u qabsoomay Guddiga Taakuleynta Ciidanka qalabka sida, ee dhawaan uu magacaabay Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa sheegay iney diyaariyeen dariiq ay Shacabka Soomaaliyeed ku soo gaar siin karaan kaalmada ay ugu talagaleen in lagu caawiyo ciidankooda.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xusay muhiimadda ay Ciidamadu u leeyihiin dal kasta iyo sida Soomaaliya ay maanta ugu baahan tahay soo celinta karaamadii ay lahaayeen ciidankeenu. Isagoona baaq ku aaddan iney ciidamadooda taageeraan u diray bulshada Soomaaliyeed, ay garab istaagaan hawlaha lagu horumarinayo dhismaha dawladnimada.

Mudane Khayre ayaa balan qaaday in Xukuumaddu ay 20 kun dollar siin doonto gudiga taakuleynta Ciidamada si loo dar-dargeliyo hawlaha gudiga.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawladda, maamulka gobolka Banaadir, saraakiil iyo siyaasiyiin.

—DHAMMAAD—- 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...