Turkiga oo hub culus geeyey xadka uu la wadaago Suuriya

Date:

Ciidamo ay taageerayaan dowladda Turkiga ayaa sii kordhiyey duullaan ay ku qaadeen kooxaha jihaad-doonka ah ee magaaladda Idlib haysta.

Waxuuna u muuqdaa weerarkani mid lagu burburinayo kooxda Taxrir Al Salam.

Ciidamada Turkiga ayaa maalmahanba xuduuda ay Suuriya la leeyihiin waxay ka wadeen diyaargarow.

Waxaana jirra warar aanan la hubin oo sheegaya in ciidanka Turkiga ay weerarkan ka qayb qaadanayaan.

Balse weerarkan hadda socda waxaa wada ciidamo uu Turkiga barigantaalayo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay bilaabayaan howgal lagu sugayo amaanka dalkiisa.

Magaaladda Idlib ee dalka Suuriya ku taala ayaa ilaa sanadkii 2015-kii waxaa haystay kooxaha mucaaradka.

Waxayna magaaladda Idlib u ahayd kooxaha mucaaradka meel ay mar walba iska soo abaabulaan.

Ruush iyo Turkiga ayaa hadda heshiis ku ah howgalada magaaladda Idlib lagu qaadayo.

Waxaana Ruushku uu maalmihii u dambeeyey ka waday halkaasi duqayn xaga cirka ah.

Waxay hadda u muuqataa in magaaladda Idlib ay noqonayso goob dagaal oo lagu dagaalamo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...