Roob lagu diirasaday oo ka da’ay Gobolka Mudug

Date:

oob ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool Gobolka mudug ee bartamaha Dalka ayaa  saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Roobkaan oo biyo dhigay waraha ay biyiu galaan ayaa shalay ilaa Xalay galin hore ka da’ay deegaanada Magaalada Gakacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug iyo deegaanada dhaca koonfur bari Gobolka Mudug halkaasoo ay ka jirtay abaar saamayn Xooggan ku yeelatay dadka reer miyiga ama xoola dhaqatada ah.

C/risaaq Maxamed Axmed Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Galkacyo ayaa soo sheegaya in roobkaa uu saacadihii laga soo gudbay ka da’ay  magaalada iyo deegaanada duleedka ka ah Galkacyo.

Inta badan Gobolada Dalka ayaa waxaa ka jirta abaar xooggan taasoo gabi ahaanba saamaysay qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu darnaa deegaanada hoos yimaada Maamulada Galmudug iyo koonfur galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...