Guddiga amniga ee golaha shacabka oo la kulmay wasiirka amniga gudaha

Date:

Ujeedada kulanka ayaa aheyd in guddiga golaha shacabka u qaabilsan arrimaha amniga ay su’aalo weydiiyaan wasiirka amniga iyo taliyaha ciidanka booliiska, kaas oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulan ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo taliyaha ciidanka booliiska Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacid iyo saraakiil kale oo laamaha amniga ka tirsan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka, C/Kariin Xaaji Cabdi Buux, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in guddiga amniga u qaabilsan golaha shacabka u yeereen wasiirka iyo taliyaha booliiska si wax looga weydiiyo amniga ammaanka dalka quseeya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Kulankn ayaa waxaa uu xiritaan ama gabagebo u ahaa kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho oo amniga uun looga hadlayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...