Washington oo qarka u saaran jebinta heshiiskii Nuclearka iiraan

Date:

Mareykanka(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa u muuqda in uu soo afjarayo heshiisyadii dhanka hubka Nuclearka oo horey loola galay Dalka Iiraan, Mr Trump ayaa  dib ugu celin doono aqalka Congareeska si cunaqabateyn cusub loo saaro Iran.

Todobadka soo socda ayaa lafilayaa in uu madaxweyne Donalda Trump uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo qorshaha Washington ay ku wajahayso barnaamijka Nuclearka ee Iiraan,sida ay sheegeen saraakiil katirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Go,aankan ayaa la sheegay inuusan gabi ahaanba burburin doonin heshiiskii 2015-ka, balse taasi badalkeeda loo wareejin doono Kongareeska oo muddo 60 cisha gudahood go,aan uga gaari doono in Iran la saro cunaqabteyn cusub.

Sidoo kale Burinta heshiiskan ayaa  albaab u fureysa wadahadalo cusub oo ku saabsan heshiiska niyukleerka Iran, hase yeeshee madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in aysan wadahadal ka geli doonin arrintani.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan gaar ah oo  uu Aqalka Cad kula yeeshey saraakiisha milateriga ayuu sheegay inay qasab tahay inay soo afjaraan hanka nukliyeerka ee Iiraan, iyo sidoo kale waxa uu ugu yeeray daandaansigeeda Bariga Dhexe.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...