Washington oo qarka u saaran jebinta heshiiskii Nuclearka iiraan

Date:

Mareykanka(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Wadanka Mareykanka ayaa u muuqda in uu soo afjarayo heshiisyadii dhanka hubka Nuclearka oo horey loola galay Dalka Iiraan, Mr Trump ayaa  dib ugu celin doono aqalka Congareeska si cunaqabateyn cusub loo saaro Iran.

Todobadka soo socda ayaa lafilayaa in uu madaxweyne Donalda Trump uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo qorshaha Washington ay ku wajahayso barnaamijka Nuclearka ee Iiraan,sida ay sheegeen saraakiil katirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka.

Go,aankan ayaa la sheegay inuusan gabi ahaanba burburin doonin heshiiskii 2015-ka, balse taasi badalkeeda loo wareejin doono Kongareeska oo muddo 60 cisha gudahood go,aan uga gaari doono in Iran la saro cunaqabteyn cusub.

Sidoo kale Burinta heshiiskan ayaa  albaab u fureysa wadahadalo cusub oo ku saabsan heshiiska niyukleerka Iran, hase yeeshee madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in aysan wadahadal ka geli doonin arrintani.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay kulan gaar ah oo  uu Aqalka Cad kula yeeshey saraakiisha milateriga ayuu sheegay inay qasab tahay inay soo afjaraan hanka nukliyeerka ee Iiraan, iyo sidoo kale waxa uu ugu yeeray daandaansigeeda Bariga Dhexe.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...