Madaxweyne Farmaajo oo soo gaba gabeeyey booqashadii Dalka Sudan+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Sudan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiiri ayaa kusoo saagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa qaybta martida gaarka ah ee garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee magaalada Khartum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa galinkii hore waxa uu booqday Xarunta Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo ay dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan ardayda wax kabarata Jaamacadaha ku yaalla dalka dibaddiisa.

Guddoomiyaha Jamacadda Caalamiga ah ee Africa Dr.Kaamil Cubayd,barayaasha Jaamacadda, ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Jaamacadda ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa, Maamul iyo Macaluimiinba , dadaalka ay ku bixiyeen ardayda Soomaaliyeed.

“Taariikh lama illaawaan ah ayaad ku leedihiin sooyaalka waxbarashada Soomaaliya, waxa aad na garab istaagteen xilli aysan ka jirin dalkayaga nidaam waxbarasho iyo hannaan doowaladeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba laabtaan dadaalkaas” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Salaadda Jimcaha kula tukuday Masjidka Jaamacadda boqolaal ka mid ah ardayda wax ka barata dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...