Xildhibaan Ilhaan Cumar oo taageertay Musharax Maxamuud Nuur+(Sawiro)

Date:

Minneapolis(SONNA) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal dadweyne Soomaaliyeed ah ayaa taageero xoogan u muujiyay Musharax Maxamuud Nuur oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka ee magaaladaasi.

Iyadoo weli  ay soconayaan ololihii doorashada Golaha Deegaanka ee magaalada Minneaplis ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada waxay taageero u muujiyeen Maxamuud Nuur oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka gaar ahaan halka ay Soomaalidu degto.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doortay magaalada Minneapolis iyo boqolaal kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay fagaraha lagu magacaabo Brian col,iyagoo sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin Maxamuud Nuur oo u tartamaya doorashada Golaha Deegaanka,waxaana Xildhibaan Ilhaan Cumar ay ugu baaqday Jaaliyadda Soomaaliyeed in ay codkooda ku taageeraan Walaalkooda Maxamuud Nuur.

Hadal kooban oo isna goobtaasi ka jeediyay musharax Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Soomaalida hallkaasi ku nool iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar dowrka muhiimka ah oo ay ka qaadanayaan dhiira gelintiisa.

Wuxuu sheegay in xoogga saari doono sidii jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Mineapolis ay u heli lahaayeen xuquuqdooda iyo adeegyada ay u baahanyihiin hadii uu ku guuleysto xilkaasi Golaha Deegaanka.

Sanadihii ugu dambeyeey waxaa sare u sii kacayay Dowrka siyaasadeed oo Soomaalida ay ku leedahay hay’adaha iyo maamulada ka dhisan gobolada Dalkan Mareykanka,horey waxaa loo doortay Ilhaan Cumar oo oo haatan kaalin ku leh dib u soo celinta sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka.

Liibaan Xuseen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...