Soomaaliya iyo Suudaan oo iska kaashanaya horumarinta Ciyaaraha+(Sawiro)

Date:

Khartuum(SONNA) Kulanka ay wada qaateen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim oo uuna goobjoog ka ahaa Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow ayaa waxay ugu wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa hormarinta ciyaaraha ee labada Dowladood iyagoona Wasiiradda sharaxaad kooban ka siisay Wasiirka hormarka isboorti ee ku tilaabsatay Soomaaliya.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Suudaan DR Cabdikariim Muusa Cabdikariim ayaa aad u soo dhaweyay Wasiirka, asigoona sheegay inay diyaar u yahiin wax walba oo ay ku caawin karaan Walaalahood Soomaaliya.

Dhanka kale Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa booqatay garoon kubada cagta ah oo ay Dhisma ku socotay iyadoona ku soo wareegtay dhamaan gudaha garoonka, intaa ka dib Wasiiradda ayaa Saxaafadda kula hadashay gudaha garoonka.Cood

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inuu heshiis dhex mara labada Wasaaradood Soomaaliya iyo Suudaan. .

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...