Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka khamiislaha ah ee golaha Wasirada.

Labada Madaxweyne ku xigeen ayaa Madaxweynaha kala qayb galay shirkan oo ahaa mid caadi ah oo kamid ah kulamada Todobadlaha ah ee Xukuumada Jubbaland.

Golahu wuxuu Madaxweynaha ka dhagaystay halka ay marayso siyaasada dalka iyo marxaladahii ugu danbeeyay isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyay sida uu u socdo dadaalka loogu jiro qabsoomida shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex curtay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah.

“Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aan sanay intii ajinabi uu dhexdeena soo gali lahaa in anagu Soomaali ahaan aan arimaheena xalisano oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Soomaaliya ay joogto wado labo dhinac u kala baxaysa oo ah hormar Barwaaqo iyo amaan iyo wadada kale oo ah burbur kala tag iyo in rajadii Mustaqbalku ay god ku dhacdo.

“Marka si labadaas wado mida saxda ah aan u qaadano ayaan gogoshan u dhignay oo aan doonaynaa in arimaheena aan gudaha ku xalino oo aan mar danbe iska daba hadal iyo is qabqabsi aanu iman” ayuu yiri Madaxweynahu.

Gudiga qaban qaabada shirkan ayuu golahu ka dhagaystay halka ay marayso qaban qaabada soo dhawaynta masuuliyiinta shirkan ka qayb galaya.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka dooday oo dib loo dhigay kulamada danbe Siyaasada lagu maaraynayo Barakacayaasha iyo dadka kasoo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan ayuu golahu ka dhagaystay xaalada amaan ee Jubbaland deeganadeeda xorta ah gaar ahaan dhacdoyinkii u danbeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin in qaybtooda ay ka qaatan dagaalka Argagixisada Jubbaland lagaga saarayo isla markana ay sugayaan oo kaliyah in hawlgaladu ay bilawdaan oo cadawga la baacsado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-ilaaliyaha Sanduuqa Qaranka ee Maareeynta Musiibooyinka 

Muqdisho, Khamiis, 05 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Kormeeray Suuqa Xoolaha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kormeer...

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti oo fagaare ah kula hadlay bulshada Balcad

Culumo uu hoggaaminayo Sheekh Xuseen Cali Jabuuti ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...