Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka khamiislaha ah ee golaha Wasirada.

Labada Madaxweyne ku xigeen ayaa Madaxweynaha kala qayb galay shirkan oo ahaa mid caadi ah oo kamid ah kulamada Todobadlaha ah ee Xukuumada Jubbaland.

Golahu wuxuu Madaxweynaha ka dhagaystay halka ay marayso siyaasada dalka iyo marxaladahii ugu danbeeyay isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyay sida uu u socdo dadaalka loogu jiro qabsoomida shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee lagu dhamaynayo khilaafka ka dhex curtay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah.

“Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aan sanay intii ajinabi uu dhexdeena soo gali lahaa in anagu Soomaali ahaan aan arimaheena xalisano oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Soomaaliya ay joogto wado labo dhinac u kala baxaysa oo ah hormar Barwaaqo iyo amaan iyo wadada kale oo ah burbur kala tag iyo in rajadii Mustaqbalku ay god ku dhacdo.

“Marka si labadaas wado mida saxda ah aan u qaadano ayaan gogoshan u dhignay oo aan doonaynaa in arimaheena aan gudaha ku xalino oo aan mar danbe iska daba hadal iyo is qabqabsi aanu iman” ayuu yiri Madaxweynahu.

Gudiga qaban qaabada shirkan ayuu golahu ka dhagaystay halka ay marayso qaban qaabada soo dhawaynta masuuliyiinta shirkan ka qayb galaya.

Dhinaca kale golahu wuxuu ka dooday oo dib loo dhigay kulamada danbe Siyaasada lagu maaraynayo Barakacayaasha iyo dadka kasoo laabanaya xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

Wasiirka Amniga Mudane Cabdirashiid Janan ayuu golahu ka dhagaystay xaalada amaan ee Jubbaland deeganadeeda xorta ah gaar ahaan dhacdoyinkii u danbeeyay ee ka dhacay gobolka Gedo.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadka deegaanku ay diyaar u yihiin in qaybtooda ay ka qaatan dagaalka Argagixisada Jubbaland lagaga saarayo isla markana ay sugayaan oo kaliyah in hawlgaladu ay bilawdaan oo cadawga la baacsado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...