Ciidamada Ciraaq oo Kooxda Daacish kala wareegay magaalo muhiim ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Hawija,oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay ku xooganaayeen Xoogaga hubeysan ee Daacish,sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Militariga Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay oo arbaca ahayd bilaabay iney ku dhaqaaqaan magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalo ee Hawija labo maalin uun ka dib qabsashadii xarunta Ciidanka cirka ee Rashad oo 30-km dhanka koonfur ka xigta magaalada halkaasi oo ay kooxaha hubeysan u adeegsan jireen xero ay ku tababari jireen dagaalyahanada iyo keydinta saanada ciidan.

Ka hor inta aysan qabsan ciidamada Ciraaq magaalada Hawija waxay duqeyn la dhaceen fariisimo ay ku xooganaayeen Kooxda ISIL,waxaana la sheegayaa in duqeynta khasaaro xoogan ay ka soo gaartay xooggaga hubeysan inkastoo aan la xaqiijin inta ay gaarsiisan tahay.

Magaaladaan Hawija ayaa muhiim ah u ahayd Kooxda Daacish,waxayna dhanka Galbeed ka xiga magaalada Saliida qaniga ku ah ee Kirkuk halka waqooyi ka xigta magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa ku jiyad jabtay weerarkii bishii julay Ciidamada Ciraaq oo ay kaabayaan kuwa Mareynkanka ay kooxda kaga qabsadeen magaalada Mosul oo ahayd magaalo si weyn Daacish ugu xooganeyd.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Ciraaq ee qabsaday magaalada Hawija ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan,islamarkaana ay feejignaadaan inta uu socda howlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada Argagixisada ee Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...