Ciidamada Ciraaq oo Kooxda Daacish kala wareegay magaalo muhiim ah

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Hawija,oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay ku xooganaayeen Xoogaga hubeysan ee Daacish,sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Militariga Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay oo arbaca ahayd bilaabay iney ku dhaqaaqaan magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalo ee Hawija labo maalin uun ka dib qabsashadii xarunta Ciidanka cirka ee Rashad oo 30-km dhanka koonfur ka xigta magaalada halkaasi oo ay kooxaha hubeysan u adeegsan jireen xero ay ku tababari jireen dagaalyahanada iyo keydinta saanada ciidan.

Ka hor inta aysan qabsan ciidamada Ciraaq magaalada Hawija waxay duqeyn la dhaceen fariisimo ay ku xooganaayeen Kooxda ISIL,waxaana la sheegayaa in duqeynta khasaaro xoogan ay ka soo gaartay xooggaga hubeysan inkastoo aan la xaqiijin inta ay gaarsiisan tahay.

Magaaladaan Hawija ayaa muhiim ah u ahayd Kooxda Daacish,waxayna dhanka Galbeed ka xiga magaalada Saliida qaniga ku ah ee Kirkuk halka waqooyi ka xigta magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa ku jiyad jabtay weerarkii bishii julay Ciidamada Ciraaq oo ay kaabayaan kuwa Mareynkanka ay kooxda kaga qabsadeen magaalada Mosul oo ahayd magaalo si weyn Daacish ugu xooganeyd.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Ciraaq ee qabsaday magaalada Hawija ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan,islamarkaana ay feejignaadaan inta uu socda howlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada Argagixisada ee Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...