Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

Date:

Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka kamid ah iyo Xubno ka kala socda UN ka iyo AMISOM.

Ujeedka Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dardar galinta Howlgalada Nabad diidka Kooxda Alshabaab lagu beegsanayo sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uu u sheegay Wasiirka Ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dhiseyso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana Safarka Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandhigga  qeyb uu ka yahay dardar galinta qorshaha dhisada, tayeynta iyo dhiiri galinta Ciidamada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...