Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka gaashaandhigga oo gaaray Magaaladda Baledweyne

Date:

Wasiir ku Xiggeenka Wasaaradda Gaanshaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiir Cabdullaahi Colaad waxaa kamid ah Xubno Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka kamid ah iyo Xubno ka kala socda UN ka iyo AMISOM.

Ujeedka Wafdigaan ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ah qiimeynta Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dardar galinta Howlgalada Nabad diidka Kooxda Alshabaab lagu beegsanayo sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA uu u sheegay Wasiirka Ku xiggeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado qorshe ay ku dhiseyso Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana Safarka Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir ku xiggeenka Gaashaandhiggaย  qeybย uu ka yahay dardar galinta qorshaha dhisada, tayeynta iyo dhiiri galinta Ciidamada Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...