Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo deeq dhar ah gaarsiisay Maxaabiis Soomaaliyeed “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Toddoba dhalinyaro Soomaali ah oo dhameystay xukunno 8 sano ah oo xabsi ah  ayaa deeq dhar ah oo dhiirri gelin ah, waxaa gaarsiiyay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, ahna Qunsulka guud ee safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi).

Dhalinyarada ayaa marka hore warbixin ka siiyay Cali Bagadi muddada ay Xabsiga Kamtiti ee duleedka magaalada Nairobi ku jireen iyo waxyaabaha ay kala kulmeen, iyagoo ka mahadceliyay booqashada uu ugu tagay sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya ahna Qunsulka guud ee safaaradda.

Qaar ka mid ah Dhalinyaradan oo lagu eedeeyay falal burcadbadeednimo ah ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin iney xoriyaddooda dib u helaan,  iyagoo aad uga mahadceliyay booqashada Cali Bagadi iyo deeqda uu gaarsiyayba.

Mudane Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi) sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda  ayaa sheegay in tani aysan aheyn markii u horreysay oo uu maxaabiis Soomaaliyeed ku booqday xabsigan.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...