Maamulka gobolka Bakool oo mamnuucay in qaad laga dejiyo Xudur:DHAGEYSO

Date:

Bokool(SONNA) Kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa  Ammaanka iyo xasiloonida Gobolka Bakool ayaa lagu qabtay Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolkaasi,iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin iyo saraakiil.

Waxaa uu soo qaban qaabiyaay kulanka  maamulka Degmada Xudur,iyadoo ay  goobjoog ka ahaayeen Ma’suuliyiinta maamulka Degmada,Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,waxaana inta badan  Xoogga lagu saaray Iskaashiga dhanka Ammaanka magaalada Xudur iyo guudahaanba Gobolka Bakool,iyadoo maamulka uu soo saarey awaamiiro cusub oo amniga laxiriira.

Maxamed Cabdi Maxamed Told Guddoomiyaha Gobolka Bokool ayaa sheegay in waxqaad ah la keeni Karin magaalada Xudur ilaa amar dambe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Gobolka Bakool waxaa ay ka wadaan guluf dagaal oo maleeshiyaadka Nabad diidka Al shabaab looga saarayo deegaanada yar yar ee ay kaga harsan yihiin Gobolkaasi iyadoo ay jirto in maleeshiyaadku ay jareen wadooyinka soo gala Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...