Dalka Faransiiska oo marti gelinaya shir ku saabsan ka hortagga Daa’cuunka.

Date:

Faransiiska(SONNA) Shirweyn oo looga hadlaya arimaha Caafimaadka adduunka ayaa ka dhacay dalka Faransiiiska kaasi oo looga arrinsanayo khataraha uu bulshada caalamka uu ku hayo cudurka Daa’cuunka.

Mas’uuliyiin caafimaad oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa maanta ku shiraya dalka Faransiiska si ay isula qaataan in boqolkiiba 90 laga hortago dhimashada uu keeno cudurka daacuunka.

Waa markii ugu horraysay oo dowladaha, Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, hay’adaha gargaarka iyo deeqbixiyayaasha ay go’aan noocaas ah wada qaataan.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Yemen ay la daalaa dhacayso daacuunkii ugu xumaa ee dalkaas ka dilaaco, halka hay’adaha samafalka ay ka digayaan in musiibo uu isu badelo daacuun ka dilaacay dalka Bangladesh.

Daacuunka jira qarnigan 21-aad ayaa mid ka mid ah hay’addaha samafalka ee la tacaalaya waxa ay ku tilmaantay “wax ceeb ku ah caalamka”.

Cudurkan ayaa waxaa laga ciribtiray dalalka UK iyo Mareykanka in ka badan 100 sano ka hor, hasayeeshee waxa uu fara ba’an ku hayaa dalal badan oo ka mid ah kuwa soo koraya.

Xanuunkan ayaa ku faafa biyaha wasakheysan waxa uuna sanadkiiba galaaftaa nolosha ku dhawaad 100 kun oo qof.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...