Muqdisho (SONNA)Β Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hayβadda TIKA, Dr Serdar ΓAM.
Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ΓAM Madaxa Hayβadda TIKA, ayaa Β kawada hadlay sidii Hayβaddaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faaβiideysto, si dhaqaalaha dalkaΒ loo horumariyo.
Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hayβadda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.
Hay’adda TIKA ayaa ka mid ah hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.






