Dawladda Soomaaliya oo Boqortooyada Sacuudiga uga mahad celisey 50ka Milyan Ee Ay Ugu Deeqday

Date:

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Milyan ee dollar oo ay soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa Boqortooyada Sacuudiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”

Booqashadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu dhowaan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dawladda Federaalka uga go’antahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adeega shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqtigan loogu baahi badan-yahay waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sacuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahleysaa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaarto soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...