Daawo Sawirada: Toogasho dad ku dhinteen goob lagu Caweeyo ee magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka

Date:

Ugu yaraan 20 ruux ayaa la sheegay inay ku dhinteen, 100 kalena way kudhaawacmeen, markii nin hubeysan uu rasaas ku furay goob ay ka socotay bandhig muusik ah, habeenadii axadii magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.

Illaa 30 kun oo ruux ayaa ka qeyb galayay xafladda muusiga oo ka socotay masraxa weyn oo ku yaal dabaqa 32aad ee Hotelka Mandalay Bay.

Booliska ayaa sheegaya in nin hubeysan uu dadka tooganayay, waxaana rasaasta la maqlayay, iyadoo uu muusiga socday, dadka ka qeyb galayaasha ayaa goobta bilaabay inay ka cararaan.

Muuqaalo laga maqlayo rasaasta iyo kala cararka dadkii ku sugnaa xafladda ayaa lagu soo bandhigay baraha bulshada.

Booliska ayaa xaqiijiyay in la dilay hal nin oo looga shakisan yahay toogashada, balse ma aanay bixin faah faahin dheeri ah.

Sidoo kale booliska ayaa sheegay in ninka toogashda geystay lagu dilay qol ku yaal dabaqa labaad ee Hotelka Mandalay Bay.

Ciidamada loo yaqaano SWAT oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu arkay goobta, waxaana warar aan la xaqiijisan ay sheegayaan in rasaas kale laga maqlay goob kale oo ay suura gal tahay in koox kale ay toogasho ka geysteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...