Kulan looga hadlayo Amniga Geeska Afrika oo ka dhacaya  Khartum

Date:

Khartuum-(SONNA)- Caasimadda dalka Sudan ee Khartuum  ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto kulan looga hadlayo qadiyadaha amniga iyo deganaashaha wadamada Geeska Afrika.

Kulankan ayaa waxaa hadda qabanqaabinaya Ururka midnimada Afrika oo la kaashanaya hay’ad xukuumi ah oo qaabilsan qorsheynta iyo horumarinta wadamada Geeska Afrika oo marka la soo gaabiyo loo yaaaan IGAD.

Sida uu sheegay madaxa xafiiska xiriirka Ururka midawga Afrika ee Sudan Mahmuud Kan oo ah u qeybsanaha arrimaha wada hadalada iyo nabadgelyada ee Ururkaasi  ayaa codsi ka qeyb galka kulankaasi ka dhici doona magaalada Khartuum uu u kala diray dhamaan aqoonyahanada ka qeyb galaya kulanka kuwaa oo ka kala imaanaya wadamada Geeska Afrika iyadoo haatan magaalada Khartuum uu ka socoda dhameystirka dhamaan arrimihii sahli lahaa qabashada kulankan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...