Ilhaan Cumarโ€Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaaโ€

Date:

Kulankani oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee Gobolak Minnesota ee Mareykanka ayaa waxaa wada yeeshey Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Gobolka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar kamid ah bulshooyinka ย ย ka soo jeeda wadamada Geeska Africa ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis.

Mudadii uu socday kulankani oo ay soo qaban qaabisay Ilhaan Cumar ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarey waxaa kamid ah,sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada saameyntii ay ku yeelatay goโ€™aankii dhankaย  socdaalka ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay ku jirto oo uu soo saarey madaxweyne Donald Trump,caawinaada kaladuwan oo ay helaan dadkaasi hadii ay ahaan lahayd dhinacyada Caafimaadka,fursadah shaqo iyo guud ahaan adeeg yada muhiimka ah oo ay dadkani uga baahan yihiin Dowladadda.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii xafiiskeeda uu uga shaqeyn lahaa in Soomaalida loo fududeeyo xagga socdaalka,hanoqdaan kuwa dalka jooga oo aqoonsigooodi uu dhacsanyahay balse u baahan in loo cusboonaysiyo,kuwa eheladoodi soo booqanaya iyo kuwa kale ee doonaya in dalkaย  ay yimaadaan,waxaana goob joog ka ahaa qaar kamid ah Qareenada dhanka socdaalka ee ka howlgala Gobolka Minnesota.

โ€œWaxaa soo qaban qaabiyay kulankani xafiskayga,waxaan ugu talagalaynay in lagu caawiyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka kale oo geeska Africa ka soo jeeda sida Oromada oo xaafaddaan degan,waxaana warbixin looga dhageysanayay dhibaatooyinka dadkani haysta iyo sidii loogu doodi lahaa in xuquuqdoodi ay helaan,qareeno ayaan ka qeybgelinay,waxaana kala hadli doonaan Dowladda in cabashooyinkoodi wax laga qabtoโ€, Ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleysatay xilkan loo doortay ayaa waxaa ay wadday qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii ay u raadin lahayd xuquuqaadka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool deegaanka laga soo doorto iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee la nool Soomaalida,waana kulan sanadkiiba 2 mar ay qabato.

Liibaan Xuseenย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...