Buurdhuubo(SONNA)-Ciidamada Guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa gebi ahaanba la waregay gacan ku haynta Degaanka Qundhuud oo ka mid ah deeganada hoostaga Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo, isla markana qiyaaas ahan u jirta buurdhuubo 38km ee dhanka Waqooyi Bari ka gadaal marki ay ciidamada xoogga dalka ay werar ku qadeen saldhig Al-Shabaab ay ku lahayeen degaankasi
Ujeedka howlkalka waxa u ahaa sifeynta deeganada ay nabadiidka weli ku sugan yihiin, iyadoo maleshiyaadka Al-Shabaab loogu gaystay qasaaroyin lixaad ah, howlgalkii ay ciidamada ka fuliyeen deegaanka Qundhuud.
Saraakisha Xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiiyay in kooxda Al-Shabaab looga dilay weerarka maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana laga furtay hubkii ay wateen maleshiyadki la dilay
Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Gedo Sheeq Maxamed Xuseen Isaak Al-qaadi ayaa warbahinta Qaranka u sheegay in fariisin ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Qundhuud lagala wareegay, isla markaana goobta lagu dilay tiro maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Maalmihi ugu dambeyay ciidamada guutada 9aad ee xoogga dalka ee Gobalka Gedo ayaa ka waday deegaanno badan oo ka tirsan Gobalka Gedo howlgallo ka dhan ah Nabadiidka, si guud ahaan looga ciribtiro deegaannada ay kaga suganyihiin Kooxda Al-Shabaab Gobolka Gedo.